Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii madaxweynaha Jubaland iyo taliyaha AMISOM oo war laga soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo, ayaa ka warbixiyay shir ay maanta yeesheen madaxweynaha Jubbaland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha Xukuumaddiisa iyo taliyaha Ciidamada AMISOM Tigabu Yilma.

Madaxweyne ku xigeenk, ayaa sheegay in kulanka labada dhinac lagaga hadlay; sidii la iskaga kaashan lahaa ammaanka, isla markana si midaysan loogu qaadi lahaa howlgalo Cusub oo degaanada Jubbaland lagaga saari doono malayshiyaadka Al-shabaab, waxaa uu intaas ku daray, in la isku raacay si wadajir ah in looga hortago, wararka been abuurka ah ee lagu kicinayo Bulshada, kuwaas oo la xiriira Arimaha doorashada madaxtinimada Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu tilmaamay, in AMISOM ay sheegtay inayna wax faragalin ah ku samayn doonin Arrimaha doorashada Jubbaland, loona baahan yahay in dadka wararkaas faafinaya si wadajir ah looga hortago, iyadoo aysan wax shaki ah ku jirin wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM.

Waxaa kale oo sida uu xusay la isku raacay in si wadajir ah Amniga uga wada shaqeeyaan inta lagu guda jiro doorashada Ciidamada Booliska Jubbaland iyo Ciidamada Booliska AMISOM.

PUNTLAND POST

The post Shirkii madaxweynaha Jubaland iyo taliyaha AMISOM oo war laga soo saaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this