Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano iyo wasiiro ka qeybgalay furitaanka xarunta Daryeel Bank ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Bangiga Daryeel ayaa maanta daahfuray laanta Tre Piano ee magaalada Muqdisho, iyada oo munaasabadda daahfurka ay ka qaybgaleen wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno , mas’uuliyiin ka socday bangiga dhexe,ururka bangiyada, rugta ganacsiga iyo xubno ka socday qaybaha bulshada.

Maamullaha xarunta bangiga Daryeel ee Tre Piano ,Cabdullaahi Axmed Nuur oo ugu horrayn xafladda ka hadlay ayaa sheegay aasaaska bangiga inuu ku yimid baahida loo qabo adeegyo casri ah, wuxuuna inta ku daray bangiga inuu diiradda saarayo sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeegyo bangi oo la isku haleyn karo, kuna xiraya hannaanka caalamiga ah ee ay ku shaqeeyaan bangiyada caalamiga ah,isagoo marka ku soo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed ee dalka iyo qurba-joogta adeegyada uu bangiga bixinayo.

Guddoomiyaha guud ee Ifitin Group , Aadan Cabdullaahi Axmed Ilka-case ayaa dhankiisa sheegay in bangiga Daryeel uu qayb ka yahay Ifitin Group, wuxuuna caddeeyay bangiga inuu ugu adeegayo bulshada Soomaaliyeed si daahfuran, ammaano ah oo deg deg leh.

Guuleed Cismaan, guddoomiyaha ururka bangiyada dalka oo ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay daahfurka bangiga Daryeel , ayaa soo dhaweeyay, wuxuuna sheegay in bangigan uu ka mid yahay bangiyada dalka ee sida casriga ah u shaqeyn doona,waxaa kalo uu tilmaamay ururka inuu isku xiro bangiyada gaarka loo leeyahay iyo bulshada.

Rugta ganacsatada, ayaa dhankooda soo dhaweeyay, waxaana ay ballanqaadeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan Daryeel Bank, sida uu munaasabadda ka sheegay guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsatada.

Cawil Aadan  oo ah agaasimaha maamulka lacagta ee bandhiga dhexe , ayaa boggaadiyay bangiga Daryeel oo uu sheegay ka sakow adeegyada uu bixinayo, inuu dalka ku soo kordhin doono shaqo abuur.

Xildhibaan Maxamuud Siraaji oo ah guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaan Cabdi Cali oo isna ah guddoomiyaha guddiga midowga Baarlamaannada bariga Afrika ee la-dagaallanka gaajadda ayaa soo dhaweeyay daahfurka bangiga iyo adeegyada fudud ee uu bangiga bixinayo, iyaga oo ku booriyay inay si furan ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka wasaarada maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow oo munaasabadda daahfurka bangiga Daryeel soo xiray , ayaa ku ammaanay adeegyada sahlan ee uu bangiga usoo bandhigay bulshada Soomaaliyeed, arrintaa oo uu ku sheegay inay tusaale u tahay horumarka iyo horusocodka dalka, waxaa kalo uu ganacsatada Soomaaliyeed ku ammaanay dhabar adeyga ay u muujiyeen marxaladihii adkaa ee uu dalku soo maray, ganacsatada ayuu si gaar ah ugu baaqay inay xoogga saaran dhiirrigalinta adeegyada ganacsi iyo sida lagu gaari lahaa isku filnaasho buuxda.

Ugu dambeyn, ka qaybgalayaasha daahfurka bangiga Daryeel ee magaalada Muqdisho ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta bangiga adeegyada u sahlaya bulshada in iyaga oo jooga gurigooda ama goobahooda inay  qaab internet ah ku heli karaan dhammaan adeegyada bangi ee lacag diris, soo diris iyo dhigashaba leh, iyada oo aan la tageyn xarumaha bangiga.

Dalyeel-Bank-12.jpg Dalyeel-Bank-11.jpg Dalyeel-Bank-10.jpg Dalyeel-Bank-8.jpg Dalyeel-Bank-7.jpg Dalyeel-Bank-6.jpg Dalyeel-Bank-5.jpg Dalyeel-Bank-2.jpg Dalyeel-Bank-4.jpg Dalyeel-Bank-3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this