Sign in to follow this  
Deeq A.

“Al-Shabaab Waxay Ku Milmeen Hay’addaha Amniga Dowladda Iyo Dakhliga Ee Muqdisho, Waxay Canshuur Ahaan U Helaan 20 Illaa 30 Milyan…..” Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Guddoomiyaha Xisbiga WADA-JIR ee Dalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka warramay hababka Al-shabaab uga dhex shaqayso Dalka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan-Cabdishakuur.jpg

Wuxuu Sawir ka bixiyey sida ay dhaqaalaha uga hesho meelo ay Dawladdu gacanta ku hayso, sida Dekedda, Kaantaroollada Gaadiidka lagu Cashuuro, Cashuurro ay ka qaaddo Wax soo-saarka dalka dibeddiisa loo dhoofiyo,

Siyaasigan oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa isagoo mid mid u sheegaya siyaalo uu sheegay inay Al-shabaab kaga dhex shaqaysato Dalka Soomaaliya wuxuu yidhi “Al-shabaab waxay cashuur ka urursataa qaybo kala duwan Ganacsiga Dadweynaha Soomaaliyeed iyo meelaha ay Dawladdu gacanta ku hayso oo ay Dekeddu ugu horrayso, waynu ognahay in Al-shabaab ay Cashuur ka qaadaan Koontaynar kasta oo Dekedda yimaadda, Xogtaanu helaynaa waxay sheegaysaa koontaynarka 40-ka Feet ah waxay ka qaadaan $ 140 Dollar, kii 20 feet ahna waxay ka qaadaan $ 100 dollar, waxa kale oo ay Al-shabaab heshaa xogta la xidhiidha dhaqdhaqaaqa Dekedda.”

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay oo kale “Waxaanu la kulanay Ganacsato Soomaaliyeed oo markii la waydiiyey inay bixiyaan Cashuurta Al-shabaab la soo hor-dhigay oo la yidhi waxan iyo waxan baad Dekedda kala soo degteen (ee bixiya Cashuurta Al-shabaab)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Al-shabaab waxay maraysaa Tuulada la yidhaahdo Mubaarik Qof kasta oo Ganacsato ah oo Alaab la soo dega in Fayl loo furi, Lambarka diwaangelinta la siiyo. Waxa kale oo ay Al-shabaab qaaddaa Cashuurta wax soo-saarka beeraha ama Dalagga Beeraha, sida Liinta la dhoofiyo, xoolaha la dhoofiyo, waxa kale oo ay awood u yeesheen in heshiis ama Koontaraak kasta oo la galo inay boqolkiiba 5 ku yeelato Al-shabaab, ma jirto Nootaayo ku taalla Magaalada oo dhul kala wareejin karta iyadoon Al-shabaab laga siinin qaybtooda.”

Guddoomiyaha WADA-JIR wuxuu sheegay “Waxay ku guulaysteen in Gaadiidka Dadweynaha ay ka soo leexiyaan Jidadka ay Dawladdu gacanta ku hayso, si marka ay waddooyinka ay Maamulaan soo maraan ay cashuur uga qaataan. waxaynu ognahay in Hawlaha ay qabanayaan NGO-yadu ay Al-shabaab ka qaaddo boqolkiiba 30..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxaynu ognahay in dhaqdhaqaaqyada baananka iyo Xawilaadaha ay Al-shabaab Gacanta ku haystaan…”


Al-Shabaab waxay ku milmeen Hey’addaha Amniga dowladda iyo dakhliga magaalada, waxay canshuur ahaan u helaan 20 illaa 30 milyan, dadka ayay si toos ah ugu yeedhaan deegaanka Mubaarak, illaa iyo hadda waxaa is weydiin ah dowladda mala dagaalantay”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this