Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo shir uga qayb-gelaya dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiye.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1Guddoomiye Mursal iyo wefdigiisa oo gaaray Johannesburg

Guddoomiyaha Aqalka hoose Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Wefdiga guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb geli doono shirka Sanadlaha ah ee guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo todobaadkan halkaasi ka furmi doona.

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika Jamaal Maxamed Barrow ayaa magaalada Johannesburg ee dalkaasi ku soo dhoweeyay guddoomiyaha iyo wefdigiisa.

Guddoomiye Mursal ayaa uga mahad celiyay safiirka iyo shaqaalaha kale ee Safaaradda soo dhoweyntooda waxaana uu sheegay in ujeedka ay u soo gaareen Koonfur Afrika ay tahay iney ka qeyb galaan shirka guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika.

Shirka guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika ayaa mudada uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha Qaxootiga Afrika.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo shir uga qayb-gelaya dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this