Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey Wajigii labaad ee shirka Habargidir ee Hobyo oo furmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hobyo (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta mar kale dib furmay shirkii Magaalada Hobyo ee Beelaha Habargidir kaasoo looga tashanayo aayaha Maamulka Galmudug.

Magaalada Hobyo waxaa Shalay gaaray Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo jeedo Beelaha Habargidir.

Sidoo kale waxaa shirka gaaray maalmihii ugu dambeeyey ergooyin tiro badan oo ka kala socdo Beelaha Habargidir ee halkaas dago.

Xildhibaanada Shirka ka qeybgalayo waxaa kamid ah Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Warsame Joodax, Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Xildhibaano kale.

Xildhibaanada qaar oo shirka ka hadlayey ayaa sheegay in shirka looga hadlayo Nabadda iyo sidii loo diyaarin lahaa Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha dago Deegaanada Galmudug.

Waxyaabaha kale ee shirka looga hadli doono ayaa waxaa kamid ah sidii Deegaanada Galmudug ay uga dhici laheyd doorasho xalaal ah oo ka maran faragelinta Dowladda Soomaaliya si dad Galmudug ay u doortaan hoggaamiyaha ay u arkaan inuu yahay midka ka bixin karo xaaladda uu hadda ku jiro Maamulkaas.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Shirkaas uu taageersan yahay in laga qeybgalo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, oo la filayo in Dhuusamareeb lagu qabto 17-ka bishan.

Maalmihii dambe waxaa soo baxay inuu shirka Hobyo caqabad ku yahay Shirka ay dowladda Iclaamisay ee lagu qabanayo Magaalada Dhuusamareeb balse qaar ka tirsan Odayaasha iyo Xildhibaanada qeybta ka ah Shirka Hobyo waxay sheegeen inaysan caqabad ku aheyn shirkaas.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa muddo 45 Cisho ah ku bixiyey Deegaanada Galmudug, wuxuuna sheegay inay dowladda dhisi doonto Galmudug loo dhan yahay inkastoo ay Beelaha qaar qabaan tabasho iyo inay jirto eexasho ay waddo Dowladda.

Shirka Hobyo ayaa waxaa abaabulkiisa lahaa Siyaasiyiinta Beelaha Habargidir kuwaas oo diidan inay meesha ka baxdo awoodooda siyaasadeed.

67655785_10157264593862319_8547819482725 67883850_10157264581957319_1887799321009 67889064_10157264581902319_6549137175718 67501526_10157264581817319_7244966133013 67589623_10157264581697319_4245161068529 67551512_10157264581657319_2720004893090 67509599_10157264581607319_3855979655043 67733298_10157264581567319_6685332117682

Caasimada Online
Xafiiska Hobyo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this