Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay G/ Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada maamulka Somaliland iyo Jabhad hubeysan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii Jabhaddan oo diidan joogitaanka Ciidanka Somaliland ay weerar ku qaaday xero ay ku leeyihiin buurta Sayidka ee magaaladaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaal fooka fool ah oo saacado badan qaatay uu ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Dhinaca kale saraakiisha ciidamada maamulka Somaliland ayaa si kulul uga hadlay dagaalkaasi

Taliyaha qeybta gobolka Sool Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdullaahi Ducaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ciidamadooda rag lagu tuhmayo inay ka dambeeyeeen weerarkaasi iyo saddex qoray oo AK47 ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku raad joogaan rag kale, islamarkaana ay haatan baaritaano ka wadaan agagaarka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga ee maamulka Somaliland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this