Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha AMISOM oo kulamo ka bilaabay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta tegay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ticabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya iyo ciidamo uu wato ayaa ka dagay barqanimadii maanta garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Ugu horreyn taliyaha ayaa salaan sharafeed ka qaatay ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya ee ku sugan halkaasi, iyadoona kadib loo galbiyey gudaha degmadaasi.

Taliyaha AMISOM iyo madaxweynaha Jubbalad Axmed Madoobe ayaa haatan kulan gaar ah waxa uu uga socdaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulkaasi.

Kulankan oo ay warbaahintu dibad joog ka tahay ayaa lagu soo warramayaa in looga hadlayo arrimaha doorashada, gaar ahaan sidii ay amniga ula wareegi laheyd AMISOM.

Sidoo kale taliyaha iyo wafdigiisa ayaa kulamo kale la qaadan doono guddiga doorashooyinka Jubbaland iyo musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi.

Shirarkan is daba jooga ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan ayaa la filayo in la qabto doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ee maamulka Jubbaland

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this