Deeq A. Posted August 5, 2019 Kismaayo (SMN) – Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta tegay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ticabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya iyo ciidamo uu wato ayaa ka dagay barqanimadii maanta garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Ugu horreyn taliyaha ayaa salaan sharafeed ka qaatay ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya ee ku sugan halkaasi, iyadoona kadib loo galbiyey gudaha degmadaasi. Taliyaha AMISOM iyo madaxweynaha Jubbalad Axmed Madoobe ayaa haatan kulan gaar ah waxa uu uga socdaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulkaasi. Kulankan oo ay warbaahintu dibad joog ka tahay ayaa lagu soo warramayaa in looga hadlayo arrimaha doorashada, gaar ahaan sidii ay amniga ula wareegi laheyd AMISOM. Sidoo kale taliyaha iyo wafdigiisa ayaa kulamo kale la qaadan doono guddiga doorashooyinka Jubbaland iyo musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi. Shirarkan is daba jooga ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan ayaa la filayo in la qabto doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ee maamulka Jubbaland View the full article Share this post Link to post Share on other sites