Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur: Shabaab waxa ay ku milmeen DF, dakhliga Muqdisho-na ayagaa mamaula

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday heerka ay gaarsiisan tahay awoodda Al-Shabaab ee Muqdisho iyo sida ay u dhex-galeen dowladda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku milmeen Hey’addaha amniga dowladda, isagoo xusay in xilligan Shabaab ay sida ay rabaan Muqdisho ka sameeyaan, illaa heer ay Canshuur ka qaadaan Dekeda Muqdisho iyo alaabaha ka soo dega.

Waxaa uu ku eedeeyay dowladda Federaalka in aanay la imaan siyaasad cad oo ay kula dagaalanto, taas bedelkeed ay xoojisay dagaalka siyaasiyiinta mucaaradka, burburinta maamul goboleedyada iyo kala qeybinta Baarlamaanka.

“Al-Shabaab waxay hadda marayaan in Tuulada Mubaarak feyl looga furo ganacsatada, lana siiyo lambar diiwaangelin ah, waa arrin aad looga naxo… waxay marayaan inay qaadaan canshuurta gudaha, sida xoolaha iyo wax soo saarka la dhoofiyo, waxayna awood u yeesheen in qandaraas kasta oo la galo ay saartaan 5% ka qaataan. Ma jirto Nootaayo magaalada ku taalla oo kala wareejin karta dhul iyadoo Al-Shabaab Canshuur laga siin, Waxay baabuurta aada Gobollada ku guuleysteen inay la leexiyaan wadooyinka ay joogaan ciidamada dowladda.. Waxay kaloo 30% ka qaataan hay’adaha NGO-yada…” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo warbixintan naxdinta leh ka jeediyey xaflad uu xisbigiisa Wadajir ugu soo qabanqaabiyey xisbigiisa.

Wuxuu soo qaatay qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir oo dhaawac kasoo gaaray uu u geeriyooday Guddoomiyihii G/banaadir C/raxmaan Yariisow, taasoo caddeyn u ah in meeshii ugu danbeysay ay beegsadeen Alshabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this