Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali Oo Loo Fasaxay In uu Ka Shaqeysan Karo Ingiriiska Oo La Xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Cabdi Mahad Cismaan ayaa la xidhay toddobaad kadib, markii loo ballan qaaday inuu ka shaqeyn karo dalkaasi oo uu muddo 5 sanno ah dagaal dhanka Sharciga ugu jiray sidii uu ku tegi lahaa dalkaasi.

Eedeysanaha oo 31-jir ah ayaa waxaa haatan u bilabaantay Xabsi 5 sanno iyo 7 bilood, kadib markii lagu helay inuu Sarkaal dhar cad ah oo ka tirsan Boliska UK ka iibiyey noocyadda Daroogadda ee Kokaa’iinka iyo Herowiinka bishii August 31-dii ee sannadkii hore.

Cabdi Mahad Osman oo deggan Hamilton oo ka tirsan magaalada Lester ayaa la sheegay inuu Sarkaalku bixiyey lacag dhan 15 Giniga Britain, taasi oo uu ku iibsaday hal garaam oo Daroogadda Kokaa’iinka.

Bishii September 7-dii ee sannadkii hore ayuu Sarkaalkii mar kale la soo xidhiidhay Cabdi Mahad Cismaan oo uu ka codsaday inuu ka iibiyo Daroogada, balse la xihday xilligaasi.

Dhinaca kale, Xeer-beegtida Maxkamadda la hor geyey Eedeysanaha waxaa loo gudbiyey faylasha 33 Eedeyn oo ku aadan dacwadaha loo haysto iyo codad uu duubay Sarkaalkii uu ka iibin jirey Daroogadda.

Garsoore Robert Brown oo qaadayey dacwadda loo haysto Eedeysanaha waxa uu ku xukumay xabsi dhan 5 sanno iyo 7 bilood.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this