Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda IRAN Oo Soo Saartay Digniin Culus

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Iran hadda kadib iskama indha tiri doonto dambiyada badda ee ka dhacaya Gacanka, waxaa sidaas maanta sheegay wasiirka arrimaha dibedda dalkaas, maalin kadib marki Tehran ay qabatay markab laga leeyahay Iraq, oo ay ku eedeysay inuu gudbinayey shidaal sharci-darro ah.

1BDF0A1A-DD09-4684-BB01-CEB7C7D39BEF_cx0

Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iran ayaa markabaas iyo toddobo shaqaale ah oo saarnaa ka qabsaday Jasiidda Farsi ee Iran, ee ku taalla waqooyiga Marinka Hormuz, sida ay sheegeen warbaahinta dowladda.

Tallaabadaas ayaa loo arkay mid Iran ay ku muujineyso awooddeeda, xilli ay xiisad xooggan kala dhaxeyso Reer Galbeedka, taasi oo wasiirkeeda arrimaha dibedda Mohamed Javad Zarif uu ku eedeeyey inay hurinayaan mas’uuiliyiinta Mareykanka.

“Iran way cafin jirtay qaar ka mid ah dambiyada badeed ee ka dhacaya Gacanka, hase yeeshee mar dambe indhaha kama xidhan doonto” ayuu Zarif ku sheegay shir jaraa’id

Waxa uu cambaareeyey cunaqabateynta ay Mareykanka arbacadii kusoo rogeen isaga, isaga oo sheegay in Washington ay xidhatay albaabkii diblomaasiyadda ee heshiiskii Nuclear ee la gaadhay sanaddii 2015, kaasi oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka baxay sanadkii tagay.

“Inaad xayiraad saarto wasiir arrimo dibadeed waxay ka dhigan tahay wada-hadallada oo fashilmay” ayuu yidhi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this