Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Khayre oo kormeeray ciidan tababar loo soo xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kormeer dhiirri-gelin iyo dardaaran ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray xerada Gen. Goordan ee magaalada Muqdisho.

Ciidankan oo sida la sheegay loo diyaariyay in ay qaadan hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab ayaa Ra’iisul wasaaruhu u ballan-qaaday in ay heli doonaan xuquuqdooda oo dhammaystiran waxaana uu kula dardaarmay in ay ka soo baxaan waajibaadkooda ciidanimo.

Xerada Gen. Gordan ee lagu tababay ciidankan cusub waxaa horay uga qalin jebiyay dufcado ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ka qayb qaatay howl gallo Al-shabaab looga saarayo degaannada ay kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

1-17.jpg?w=1000&ssl=1 2-14.jpg?w=1000&ssl=1 3-17.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Khayre oo kormeeray ciidan tababar loo soo xiray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this