Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha ciidamada AMISOM oo Kismaayo kula shirsan madaxweynaha Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha guud ee Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Gen. Ticabu Yilma iyo wefdi saraakiil ciidan ah oo uu hoggaaminayo ayaa barqanimadii maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbland.

Taliyaha iyo wefdigiisa ayaa loo gudbiyay guriga Martida magaalada Kismaayo halkaasi oo ay hadda kula shirsan yihiin madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe waxaana sida la sheegayo ay kulankooda uga wada-hadlayaan arrimaha Amniga iyo doorashada Jubaland.

Sidoo kale Shalay waxaa magaalada Kismaayo gaaray Wakiilka Urur Goboleedka IGAD Maxamed Guyo waxaana uu kulan la qaatay madaxda dowlad goboleedka Jubaland iyo guddiga doorashada maamulka.

Socdaalkan ayaa ku soo beegmay xilli uu jiro khilaaf la xiriira arrimaha doorashada oo u dhexeeya Jubaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu eedaynayo in ay fara-gelin ku hayso doorashada Jubaland iyadoo dabada ka soo riixaysa musharrixiinta qaarkood.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha ciidamada AMISOM oo Kismaayo kula shirsan madaxweynaha Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this