Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamada cusub ee DF u diyaarisay dagaalka Shabaab oo lasoo bandhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiirri gelin iyo dardaar ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray xerada Gen. Goordan, loona diyaariyay howl-gal Al-Shabaab ooga saarayo deegaannada ay haystaan.

Ciidanka oo loo soo gebegebeeyay tababar ayaa qayb ka noqonaya ciidamo horay sidaan oo kale loo tababaray kadibna xoreeyay oo nolosha dib ugu soo celiyay deegaanno horay Shabaabka u haysteen.

Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday in xaquuda ay ciidanku leeyihiin loo dhammaystirayo, ayaa uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed.

Qoraalka kasoo baxay xfaiiska Kheyre ayaa lagu yiri “Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dardaarmay in gallada cadawga lagula dagaalayo ee hadda loo diyaariyay ay si joogta ah u wadaan inta dalka oo dhan laga xoreynayo argagaxisada.”

Xerada Gen. Gordan ee lagu tababay ciidamadaan waxaa hogay uga qalin jebiyay dufcado ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ka qayb qaatay howl gallo Al-Shabaab looga saaray magaalooyin ay uga sugnaayeen dalka.

WhatsApp_Image_2019-08-05_at_09.31.59.jp WhatsApp_Image_2019-08-05_at_09.32.00.jp

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this