Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Itoobiya oo lala eegtay qarax khasaare geystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Halgan (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa Maanta waxaa qarax lagula eegtay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan xili halkaas ay ku socdaal ku marayeen.

Qaraxaan oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, waxana lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo ku wajahnaa Saldhig ay ku leeyihii duleedka deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Weli sirasmi ah looma cadeyn khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee Ciidamada Itoobiya kasoo gaaray qaraxaas,hayeeshee Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada qaraxa ayaa waxaa ay sheegeen inay ku dileen 2 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa dhowr waxaa Qaraxyo kala duwan lagula eegtay deegaanka halgan ee Gobolka Hiiraan, waxaana Mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.

Waa markii labaad oo sanadkaan gudihiisa Ciidamada Itoobiya qarax lagula eegto qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, waxaana 15-kii Bishii July ee sanadkaan qarax Miino lagula eegtay duleedka Halgan, waxana qaraxaas ay Al-Shabaab sheegeen inay ku dileen 20 askari.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this