Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulamo siyaasadeed oo weli ka socda Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay kulamo u dhexeeyey, IGAD, Midowga Africa, AMISOM iyo Jubbaland ay ka dhaceen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Shirka oo saacado badan qaatay ayaa waxa diirada lagu saaray arrimaha ammaanka iyo doorashada maamulkaasi.

Ilo ku dhow shirka ayaa sheegay in xubnaha ka socda IGAD, Midowga Africa iyo AMISOM ay ugu baaqeen Madaxweyne Axmed Madoobe inuu ka tanaasulo arrimo ay ka mid yihiin halka lagu qabanayo doorashada iyo in uu dib u eegis ku sameeyo guddiga doorashada oo ay horay cabasho uga keeneen qaar ka mid ah musharraxiinta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu ka horyimid baaqaasi, wuxuuna tilmaamay in sida loo qorsheeyey ay u dhici doonto doorashada.

Mas’uuliyiintan ayaa sidoo kale ku ballamay kulamo kale oo maanta ka dhacaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dhowaan ayaa la filayaa in ay dhacdo doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this