Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir xasaasi ah o oo maanta ka furmaya degmada Hobyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Hobyo (SMM) – Wajiga labaad shirweyne u dhexeeya beelaha wada daga deegaanada maamulka Galmudug ayaa maanta ka fumaya degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xildhibaanada ka qeyb galayA shirkaasi waxaa horkacaya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ka mid ah mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka shirkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Salaad Yarow ayaa Shabelle uga warbixiyey waxyaabaha laga wada hadli doono iyo muhiimada kulankaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-1-guuleed.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this