Deeq A. Posted August 5, 2019 Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dila xalay qof rayid ahaa loogu geystay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu geystay askari ka tirsanaa ciidamada maamulka Jubbaland. Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah dilka ayaa yimid, kadib markii uu muran soo kala dhexgalay askariga iyo marxuumka la dilay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askarigii ka dambeeyey dilkaasi uu goobta isaga baxsaday. Ma jiro illaa iyo hadda wax hada ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka Jubbaland oo ku aadan dilka marxuumkaasi. Dhowaan ayey aheyd markii mid ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Jubbaland lagu toogtay gudaha magaallo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites