Sign in to follow this  
Deeq A.

R/wasaare Khayre oo booqday xerada Gen. Goordan+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) –  Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiirri gelin iyo dardaar ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray xerada Gen. Goordan, loona diyaariyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidanka oo loo soo gebegebeeyay tababar ayaa qayb ka noqonaya ciidamo horay sidaan oo kale loo tababaray kadibna howlgallo ka bilaabay qeybo ka mid ah dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday in xaquuda ay ciidanku leeyihiin loo dhammaystirayo, ayaa uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in ay ka dhabeeyaan go’aanka ay qaateen iyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Xerada Gen. Gordan ee lagu tababaray ciidamadaan waxaa horay uga qalin jebiyay dufcado ka tirsan ciidanka Xoogga oo ka qayb qaata howlgallada socda gudaha dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

unnamed-94.jpgunnamed-95.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this