Deeq A. Posted August 5, 2019 Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa goor dhow sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Canshuuraha ku dilay isgoyska Siinaay ee M/Muqdisho. Dilka ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolada, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaalada sarkaalkaasi ay dhaawaceen mid ka mid ah ragga dilka geystay, iyagoona gacanta ku dhigay. Sarkaalka la dilay ayaa lagu soo warramayaa inuu Canshuuraha ka qaadi jiray ganacsatada Suuqa Siinay ee magaalada Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa dilka kadib gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Balse ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka hay’adaha ammaanka oo la xariira dilka sarkaalkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites