Deeq A. Posted August 5, 2019 Ugu yaraan 40 ruux ayaa sida la sheegay ku dhintay, tobanaan kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii duqeyn cirka ah lagu qaaday, goob ay ka socotay xaflad aroos oo ku taalla koonfurta galbeed ee waddanka Libya. Wararka ayaa sheegaya, in ciidamada daacadda u ah ninka awoodda badan ee Gen Khalifa Haftar, ay fuliyeen weerarka oo Axaddii ka dhacay degmada Murzuq. Warbaahinta ayaa xaqiijisay, in dhammaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ahaayeen, dadkii ku sugnaa xafladda arooska ee la duqeeyay. Ku dhowaad 1,100 ruux ayaa sida la sheegayo dhintay tan iyo markii Gen Haftar oo ka soo duulay bariga waddanka Libya uu 4-April dagaal ku soo qaaday magaalada Tripoli ee caasimadda Libya. PUNTLAND POST The post Libya: 40 ruux oo ku dhintay xaflad aroos oo la duqeeyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites