Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal lagu toogtay Muqdisho iyo ninkii dilay oo nolosha lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Canshuuraha ayaa goor dhow lagu dilay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa waxaa geystay rag ku hubeysnaa bistoolada oo Marxuumka la dhacay dhowr xabadood, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ilaalada sarkaalkaasi ay dhaawaceen mid ka mid ah ragga dilka geystay, iyagoona gacanta ku dhigay.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu soo warramayaa inuu Canshuuraha ka qaadi jiray ganacsatada Suuqa Siinay ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa dilka kadib gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Shalay ayey aheyd markii askari ka tirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya lagu toogtay gudaha suuq Bacaad, kaas oo kooxihii dilay ay horay uga sii qaateen hubkii uu watay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this