Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo ku dhawaaqay in uu hawlgal militari ka fulinayo gudaha waddanka Syria

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha waddanka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu hawgal militari ku qaadi doono kooxaha Kurdiyiinta Maraykanku taageero ee ku sugan bariga webiga Euphrates (Furaat) ee dalka Syria.

Horay waxaan u galnay Afrin, Jarabulus, iyo Al-Bab, haddana waxaan geli doonnaa bariga Euphrates, Xogtaasi waan la wadaagnay Ruushka iyo Maraykanka” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga.

Mr Erdogan, ayaa sheegay in dowladda Turkigu aysan u sii dulqaadan karin, amni-darrada ay dalkeeda ka wadaan kooxaha uu ku tilmaamay argagixisada ee fariisimaha ku leh gudaha waddanka Syria oo sida uu xusay ay ku jiraan Kurdiyiinta YPG.

Dowladda Turkigu kama aamusnan karto, rabshadaha iyo amni-darrada ay dalkeenna ku wadaan kooxaha argagixisada ah ee ku sugan gudaha Syria. Turkigu hore ayuu isaga difaacay weerarrada lagu beegsanayo dhulkeenna ee lagu curyaaminayo dhaqaalaheenna” ayuu yiri Erdogan.

Annaga oo kaashanayna Ilaahay, taageerana ka helayna shacabkeenna, waxaan sii wadi doonaa, burburinta kooxaha argagixisada ah ee doonaya in ay dalkeenna jihada ka lumiyaan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweyne Erdogan, wuxuu sheegay in haddii aysan hawlgal ku qaadin kooxaha Kurdiyiinta ku sugan gudaha Syria YPG, oo sida uu tilmaamay gabbaad u ah Kurdiyiinta PKK, uu khatar wajahayo Xasiloonida iyo dhaqaalaha Turkiga.

Dhinaca kale, Mr Erdogan ayaa ku faanay in dalkiisu uu guul weyn ka gaaray dhanka dalxiiska, taasina ay as’aas u tahay xasiloonida, isagoo xusay in haddii xasiloonidaasi lunto uu burburi doono dalxiiska waddanka.

Waxaannu guul weyn ka gaarnay dalxiiska, waxaanna sannadkan 2019 oo keliya marti-gelinay 50 malyan oo dalxiise” ayuu yiri isagoo ku faanaya dalxiiska waddankiisa.

PUNTLAND POST

The post Turkiga oo ku dhawaaqay in uu hawlgal militari ka fulinayo gudaha waddanka Syria appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this