Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye ku-xigeenada gobalka Banaadir oo safar dibadda ah laga joojiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa 26-kii bishii Julay oo ku beegneyd laba habeen kadib qaraxii Xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir soo saartay amar safar dibadda ah iyo mid gudaha ah oo ka baxsan Muqdisho looga mamnuucayo dhamaan Guddoomiye ku xigeenada gobalka Banaadir.

Caasimada Online ayaa ogaatay in liiska magacyada Guddoomiye ku xigeenada Gobalka Banaadir iyo Saraakiil katirsan Shaqaalaha Dowladda Hoose iyo Booliiska Gobalka Banaadir la dhigay Airport-ka magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.

Dadka Safarka Dibadda ah laga joojiyay ilaa amar dambe waxaa ku jira Guddoomiye ku xigeenka amniga ee Gobalka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Basma Caamir Shakeeti iyo Taliyaha Booliiska ee Xarunta Gobalka Banaadir.

Ciidamada ilaalada gaarka ah ee Airport-ka Muqdisho ayaa soo celiyay safar ay dibadda gaar ahaan Turkiga ku aadi laheyd Basma Caamir Shakeeti, oo ah Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada iyo dhowr canug oo ay dhashay.

Sidoo kale Saraakiil katirsan Booliiska Soomaaliya iyo Xubno katirsan Maamulka Gobalka Banaadir ayaa loo diiday in ay u safraan dalka Dibadiisa iyadoo la sheegay in Booliiska ay qof kasta xaq u leeyihiin in ay baaraan xil kasta uu haayaba iyo magac kastaba uu leeyahay.

Waxaa wali socda baaritaanka weerarkii ka dhacay Xarunta Gobalka Baanaadir waxaana la sheegay in Booliiska Soomaaliya ay su’aalo weydiinayaan dhamaanka Xubnahii ay aheyd in ay Shirkaas ka qayb galaan balse ka maqnaa iyo dad kale oo raadad soo galay.

Weerarkii ka dhacay Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir ayaa nabar xanuun badan ku noqday Dowladda Soomaaliya waxaana socda eedeymo loo jeedinayo Dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this