Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: VILLA SOMALIA oo digniintii ugu dambeysay siisay Sheekh Cali Wajiis

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Onlien) – Wadaadka aadka u taageera Dowladda Soomaaliya balse waayihii dambe qaladaadkiisa ku batay Madaxtooyada Soomaaliya ee Sheekh Cali Wajiis ayaa markaan wajahaya cadaadis xooggan oo ka imanaya Villa Somalia.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Sheekh Cali Wajiis, ayaa todobaadkii hore la kulmay Saraakiil katirsan Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya waxayna ku wargeliyeen in Villa Somalia uu dhamaad ka joogo dulqaadka islamarkaana ay go’aan ka qaadan doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan hadii uu isbadal la imaan waayo.

Cali Wajiis oo ah lataliyaha Arrimaha diinta ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hore loogu heestay islamarkaana ay dhibsadeen Madaxtooyada Soomaaliya hadal uu Facebook-giisa ku qoray kaas oo ku saabsanaa arrimaha Xejka.

Sheekh Cali Wajiis, ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya waxa uuna raali gelin ka bixiyay qoraalkaas oo qal qal geliyay Arimaha Xejka maadaama uu ahaa Guddoomiyihi Guddiga qaban qaabada Xajka oo ay magacaawday Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Villa Somalia ayaa dhibsatay Wareysi uu todobaadkii hore siiyay Wargeys ka soo baxa dalka Sacuudiga oo lagu magacaabo Al-Watan. Wareysigaas ayuu kaga hadlay eedeymaha loo jeediyay Dowladda Qatar ee Qaraxyada Soomaaliya.

Sheekh Cali Wajiis, ayaa lagu amray in uu raali gelin ka bixiyo Wareysiga islamarkaana uu sheego in Wargeyska Al-Watan uu si qaldan u qoray Wareysiga si loo beeniyo wareysigiisa, waana uu ogolaaday Sheekh Cali Wajiis taladii iyo digniintii loo soo jeediyay.

Wareysiga Sheekh Cali Wajiis, waxba ceeb ah malaheyn waxa uuna ahaa mid ka hadlayay aragtida Sheekha oo aheyd in Qatar ay suurta gal tahay in ay ku leedahay weerarada lagu eedeeyay kuwaas oo ka dhacay Muqdisho iyo Boosaaso.

Villa Somalia ayaa siisay digniintii ugu dambeysay Sheekh Cali Wajiis, iyadoo sheegtay in aysan u dulqaadan doonin gaf kale oo uu ugeesto Dowladda Soomaaliya ama Dowladda Qatar waxaana la sheegay in uu aqbalay digniintaasi isagoo ballan qaaday in uu ilaalin doono danaha Villa Somalia iyo midda Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this