Sign in to follow this  
Deeq A.

Sida Al-Shabaab ku hesho xogta alaabta kasoo degta dekedda Muqdisho una canshuurto

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Cabdrisaaq Cumar Maxamed ayaa faah-faahin ka bixiyey qaabka ay kooxda Al-Shabaab canshuurta uga qaaddo alaabaha kasoo dega dekedda magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu xildhibaan Cabdirisaaq ku sheegay in Al-Shabaab ay helaan xogta alaabaha dekedda kasoo degaya, gaar ahaan ganacsadaha soo dejisanaya alaabta iyo taleefon lambarkiisa, kuwaasi oo si maalinle ah toos loogu diro.

Marka ay xogta helaan kadib ayay Al-Shabaab, la xiriiraan ganacsadaha ayaga oo faraya inuu bixiyo qiimaha canshuurta ah ee ay gooyeen.

Halkii tan ee alaab ah ee dekedda kasoo dega waxay Al-Shabaab ka qaadaan canshuur 4 dollar ah, halka halkii konteenar laga qaado canshuur 80 dollar ah. Lacagtan waa maalinle, waxaana muuqata in lacag badan Shabaab ay kasoo gasho dekedda.

Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sheegay in shaqaalaha dekedda ay wada-xaajood la galaan Al-Shabaab ayaga oo matalaya ganacsatada, wada-xaajoodkaas oo lagu go’aamiyo qiimo la isku raacsan yahay oo canshuur.

Waxa uu intaas ku daray in Shabaab ay sidoo kale lacag ka qaadaan dhammaan dhulalka lagu kala iibiyo Muqdisho iyo ganacsisyada magaalada, si la mid ah dowladda federaalka.

Ganacsatada badankood ayaa bixiya canshuurta Al-Shabaab ayaga oo naftooda u baqanaya, maadaama aysan dowladda ka bad-baadin karin Al-Shabaab, islamarkaana jiirn cid kale oo amnigooda sugi karta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this