Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab oo isu dhiibay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Laba xubnood oo ka tirsanaa malayshiyaadka Al-shabaab ayaa Maanta isku soo dhiibay Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan Degmada Diinsoor Ee gobolka Baay sida ay sheegtay wakaaladda Wararka SONNA oo xiganaysa Ibrahim Maxamed Nuur oo ah guddoomiyaha Degmada Diinsor ee Gobolkaasi Baay.

Wakaaladda SONNA ayaa baahisay sawirada labada nin oo ay magacyadooda ku sheegtay Maxamed Xasan Cusmaan oo da’adiisu tahay 25- sano jir ah iyo Xuseen Marshaale Maxamed oo da’diisu tahay 19 sano jir ah, islamarkaana ka soo goostay Al-shabaab siday wakaaladdu sheegtay.

Waxaa ay ogaadeen In Alshabaab maanta Shacabka Soomaaliyeed aysan dhaafeynin Saqiir iyo Kabiir iyaga oo dhallinyaro ah oo markii horaba la qaldey ayaa Maanta ka soo laabteen Qaladkoodi iyaga oo ka Faa’ideysanaya cafiskii uu u fidayay Madaxweynaha Jumhuriyadda Fedaraalka Soomaaliya” ayay wakaaladdu ka soo xigatay guddoomiyaha Diinsoor.

Waxaa kale oo guddoomiyuhu ballan-qaaday in ay gacma-furan ku soo dhoweynayaan qof kasta oo ka tanaasula fikirka Al-shabaab oo isa soo dhiiba”anaga oo Fulinayna Amarka Madaxweynaha Qof kasta oo doonaya waddada Qaladan Al Shabaab kasoo laabto Gacmo Furan ayaan kusoo dhaweynaynaa Ka maamul ahaan”

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u soo bandhigtay xubno ay sheegtay in ay ka soo goosteen Al-shabaab iyadoo madaxweyne Farmaajo uu marar kala duwan sheegay in uu cafis u fidiyay dhalinyarada ka soo baxda Al-shabaab.

1-15.jpg?w=1000&ssl=1 2-11.jpg?w=1000&ssl=1 3-14.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Laba xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab oo isu dhiibay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this