Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Dhoobo: Waxaa Baarlamanka Puntland ka dhacay waxaan weligiis dhicin oo unique ah

Recommended Posts

Deeq A.   
111.jpg?w=1000&ssl=1Dhoobo oo sii saagootiyaya Abshir Bukhaari

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dowladda Puntland, Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) iyo madaxweynihii hore ee Puntland haatana ah, xildhibaan ka tirsan Golaha Aqalka sare, Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed faroole, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Garoowe ku sii saagotiyay, guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Aqalka sare, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) iyo xildhibaanno kale tirsan Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii ay Garoowe kaga qeyb-galeen xuska sannad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay aas’aaskii Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Aqalka sare, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo ka hor inta uusan Muqdisho ku laaban warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Garoowe, ayaa shaaciyay in xubnaha Aqalka sare ku matala Puntland, ay markii u horraysay xarun ka furteen magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Hoos ka daawo Muuqaalka iyo sawirada

  • 2-12.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-15.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-14.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-12.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-10.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-11.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-9.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-11.jpg?w=1000&ssl=1
  • 10-9.jpg?w=1000&ssl=1
  • 111-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • aa.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Dhoobo: Waxaa Baarlamanka Puntland ka dhacay waxaan weligiis dhicin oo unique ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this