Sign in to follow this  
Deeq A.

Daacish oo sheegatay qaraxii uu ka badbaaday Shire Xaaji Faarax

Recommended Posts

Deeq A.   
Kooxda-Daacish.jpg?w=1000&ssl=1Xubin ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan Bari

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax miino oo saaka gudaha magaalada Boosaaso lagula eegtay wasiirkii hore ee Qorshaynta dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax.

Qoraal ay daabacday warbaahinta Daacish ee Amaq News Agency ayaa lagu sheegay in ciidamada Khilaafadu ay qarax miino u dhigeen wasiir hore Shire Xaaji Faarax xilli uu marayey nawaaxiga hoteel Shabeelle ee magaalada Boosaaso.

Daacish ayaa sheegtay in qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu sii aaysay ay ku dhaawacmeen laba kamid ah ilaalada mas’uulka balse isagu ka badbaaday.

Balse, laamaha Amniga gobolka Bari ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsana ilaalada Shire Xaaji Faarax cid kalena aysan wax dhib ah ka soo gaarin.

Hoos ka akhriso qoraalka Daacish

Daacish.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Daacish oo sheegatay qaraxii uu ka badbaaday Shire Xaaji Faarax appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this