Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo dib u dhac Ku yimid

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Galmudug ayaa Maanta waxaa lagu shaaciyay in dib u dhac uu ku yimid shirka oo lagu waday in uu furmo 5-ta Bisha Agoosto oo ku beegan Maalinta Berrito ah.

Sababta dib u dhaca shirka ayay Guddiga Ku sheegeen in ay tahay in, iyadoo la tixgalinayo maalmaha baroordiiqda loo asteeyey iyo munaasabadda maamlmaha Ciidul Adxaa ee foodda nagu soo hayso dib loo dhigay mudada shirkaas.

Sidoo Kale Guddiga ayaa tilmaamay in Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Galmudug la qaban doono 17 Bishaan.

Ugu dambeyn guddiga ayaa Ergooyinka ka qeyb galaya shirka waxaa ay ugu baaqeen inay tagaan Magalada Dhuusamareeb.

Guddigan ayaa waxaa magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, waxaana ay qaabilsanyihiin isu keenidda iyo xareynta ergooyinka ka qeybgelaya shirka dib u heshiinta dowlad Goboleedka Galmudug.

Waxaa ay horay u booqdeen magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado iyo meelo kale si bulshooyinka ku nool magaalooyinkaas loogu qanciyo ka qeybgalka shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this