Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada oo furmay+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga (SMN) – Waxaa maanta gudaha magaalada Jijiga ka furmay shir u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya.

Shirkan oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxaa inta badan diirada lagu saari doona xal u helida dhibaatooyinka weli ka dhex jira labada qowmiyadood.

Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo shirka daah-furay ayaa ugu horreyn ka warbixiyay ahmiyada uu shirkani u leeyahay labada Shacab ee Soomaalida iyo Oromada, wuxuuna xusay inay muhiim tahay in la dhowro degaanaashaha iyo nabad ku wada noolaanshaha deegaanka.

Dhankiisa madaxwaynaha deegaanka Oromiya Shimelisa Abdisa oo madasha ka hadlay ayaa dhankiia sheegay inuu soo dhoweynayo isku soo dhawaanshaha labada dhinac, wuxuuna ugu baaqay labada shacab in ay yeeshaan iskaashi buuxa, iyada oo laga wada shaqeynayo nabadda iyo xasiloonida dalka.

Waa shirkii labaad oo ay yeelanayaan Soomaalida iyo Oromada oo bilhii la soo dhaafay isku laayey gudaha dalka Itoobiya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Shi.jpg2-1.jpg3-1.jpg4-1.jpg5-1.jpg6-1.jpg7-1.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this