Deeq A. Posted August 4, 2019 Jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iran ayaa mar kale maanta oo Axad ah markab ajinabi ah ka qabsatay gacanka Cumaan, sida ay sheegtay warbaahinta Qaranka dalkaasi Iran. Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigatay warbaahinta waddanka Iran ayaa sheegtay in ciidamada Ilaalada Kacaanka ee ay qafaasheen markab shidaal oo marayay gacanka Cumaan, kaas oo ay sheegeen in shidaal sharci darro ah u siday qaar ka mid ah dalalka Carabta. Waxay sheegtay in markabka uu siday shidaal cadaddiisu gaarayso ilaa 700,000 oo litar, waxayna intaasi ku dartay in toddobo qof oo shaqaale ka ahaa markabkana la xiray. Dhacdadaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay cirka isku sii shareereytay xasaradda gacanka ka dib markii Mareykanka uu sii adkeeyay cunaqabteenada uu ku soo rogay shidaalka Iran. Cunaqabteenada ayaa Iran dib loogu soo ka dib markii uu Mareykanka ka baxay heshiiskii nuclear-ka Iran sannadkii 2015-kii. Waa markii labaad oo ay Iran qafaalato markab shisheeye iyadoo 13-kii bisihii July ciidamadeeda Ilaalada Kacaanka ay xeebaha Iran ku qabteen markab ay sheegen in uu siday shidaal shaci darro ah. Mareykanka ayaa Iran ku eedeeyay in ka dambeysay laba weerar oo lagu qaaday Maraakiib shidaal oo marayay gacanka, balse Iran ayaa gaashaanka u daruurtay edeyntaasi. PUNTLAND POST The post Dowladda Iran oo qafaalatay markab kale oo shisheeye appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites