Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo dadaal ugu jirta kursi muhiim ah kiiska badda Soomaaliya iyo olole socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaan habeenna ka seexan dadaal ay ugu jirto in ay taageero caalami ah u hesho damaceeda ku wajahan biyaha Soomaaliya.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahinaya in Kenya ay geed gaaban iyo mid dheer u fuushay ilaa haddana u saarantahay sidii ay u heli lahayd waddamo xoog leh oo ku garab istaaga rabitaankeeda biyaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Wasiiraddiisa arrimaha dibadda Monica Juma iyo Diblomaasiyiinta sar sare ee dalka Kenya ayaa wada wadahadallo qoto dheer oo ay ku wajahayaan dowladaha ugu tunka weyn Adduunka, kuwa Afrika, Sharikadaha shidaalka, Urur Goboleedyada ka jira Afrika iyo xitaa Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey oo ay kursi ka raadineyso Kenya.

Bisha September ee soo socota ayey Maxkamadda ICJ billaabeysaa dhegeysiga kiiska Soomaaliya ay geysay 2014kii markii ay Kenya sheegatay qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.

Isla September waxaa Magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobey ka dhacaya shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Kulankaas ayey Kenya dooneysaa in ay uga faa’ideysato dooddeeda ku saabsan kiiska ay gacanta ku heyso Maxkamadda ICJ.

Saddexda xubnood ee Afrika ay ku leedahay 10 dal ee aan joogtada ahayn ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayey Kenya dooneysa kursi ka mid ah waliba midka Waddamada Bariga Afrika.

Khubarrada waxaa ay sheegayaan in haddii Kenya ay kursigaas hanato uu saameyn badan ku leeyahay go’aannada ICJ islamarkaana soo jeedin ka sameyn karto Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey si ugu yaraan kiiskan Maxkamadda ugu riddo God qashinka.

Madaxweynaha Kenya waxaa uu dhawaan safarro kala duwan ku tagay Waddamo dhaca Afrika iyo Dalka China, sidoo kale waxaa uu todobaadkan tagayaa Dalka Jamaica,waxaana uu raadinayaa taageero caalami ah.

Wasiirkiisa arrimaha dibadda Monica Juma ayaa ku howlan la kulmidda Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ay Kenya siyaasad ahaan isku dhowyihiin.

Dalalka Afrikaanka ah Kenya ku taageeray dagaalka ay kula jirto Soomaaliya waxa ka mid ah; Mozambique, Zambia, Namibia iyo Botswana, waxaa sidoo kale jira Waddamada Mareykanka iyo Norway oo rajo u muujiyay Kenya inkasta oo sida Waddamada Afrika qaar aysan si rasmi ah ugu caddeyn mowqifkooda haddana waxaa ay heysataa ballanqaad heerkiisu dhex dhexaad yahay.

Kulanka 74aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa ay Kenya ku soo bandhigi doontaa in kiiskan Maxkamadda ICJ cadaadis lagu saaro iyada oo cabashadeeda u gudbineysa Golaha amaanka ee ay Maxkamaddan hoostagto.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa muujiyay in Soomaaliya ay taageerada kiiskan ka heysato dalalka China, Russia, UK iyo kuwa Carabta.

Kenya waxaa ay sheegeysaa in kiiskan ay dooneyso in loo xalliyo sida dalalka; Tanzania iyo Mozambique ,  Mozambique  iyo South Africa oo kale oo ay iyaga si gaar ah xal u gaareen.

Kenya waxaa ay sameysay Ururro iyo Khubarro sharci yaqaanno iyo diblomaasiyiin isugu jira,kuwaas oo kulamo la leh Sharikadaha shidaalka baara ee daneynaya Biyaha Soomaaliya iyo Waddamada ay ka go’do xal ka gaarista arrintan,waxaana ay suuq geynayaan siyaasadda Kenya.

Kulan dhawaan ka dhacay Nairobi ayey ka soo saareen in Kenya ay marka hore isdejiso islamarkaana qaladaadkii diblomaasiyadeed ee ka dhacay markii ugu horreysay doodda aysan ku adkeysan.

Waxaa kale oo ay Warbixintooda ku sheegeen in isku daygii Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ku dhex dhexaadinayay labada dal uu fashilmay markii Madaxweynaha Soomaaliya diiday in uu ka qeybgalo kulanka Uhuru iyo isaga, xitaa waxaa uu ka wareegtay in uu duullimaad ku maro Hawada Kenya.

Sababta ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo dib u doorasho doonaya uusan hadda qaadaneyn go’aan xasaasiyadda iyo saameynta intaas la eg leh.

Waxaa kale oo Khubarrada ay Kenya qoratay sheegeen in Maxkamadda ICJ xukunkeeda u dhici karo dhinaca Soomaaliya laakiin aysan taas ka dhigneyn xal kama dameys ah oo laga gaaray biyaha Soomaaliya ee ay Kenya dooneyso.

Rajada iyo talooyinka ay soo jeediyeen Khubarrada waxaa ka mid ah in Urur Goboleedyada Afrika iyo Ururka Midowga Afrika uu xalka ugu dambeeya isugu iman doono islamarkaana go’aanka kama dambeysta ah ay iyaga gaari doonaan.

Dowladda Soomaaliya oo aysan ka muuqan fur furnaan dhinaca Warbaahinta gudaha ah ayaan waxba kala socodsiin shacabkeeda halka uu marayo dadaalka ay ugu jirto in kiiskan ay ku guuleysato, halka dowladda Kenya ay warbaahinta iyo khubarradaba ku bixineyso juhdi badan si ugu yaraan kiiskan ugu gadaan Caalamka una ekeysiiyaan in Kenya saxantahay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this