Sign in to follow this  
Deeq A.

INGIRIISKA: Lix Qof Oo U Dhintay Daroogo Ay Isticmaaleen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Lix Qof ayaa Dalka Ingiriiska ugu dhintay Daroogo Halis ah oo ay isticmaaleen, muddo laba Maalmood gudahood ah.

istock-172160169.jpg

Dadka dhintay ayaa kala ah Saddex Rag ah iyo Saddex Dumar ah, kuwaasi oo dhammaantood ku noolaa Tuulooyin Ingiriiska mid ah oo jaar ah, kana mid ah Degmada Essex ee koonfur-bari Dalka Ingiriiska.

Dadka Dhintay oo looga shakiyey inay si isku mid ah u isticmaaleen daroogo aan weli Magaceeda la shaacin, balse Warbaahintu ku sheegtay inay tahay nooca halista ah.

Madaxda Caafimaadka Ingiriiska ayaa Dadweynaha ku waaniyey in aanay iibsan Daroogo, iyagoo ka cabsi qaba inay Geeri ku sababto Dadka isticmaala.

Laba Nin oo Da’dooda lagu kala sheegay 26 jir reer London ah iyo 29 jir reer Essex ayaa loo xidhay Kiiska dhimashada Lixda Qof.

Warbaahintu ma sheegin Magaca Daroogada ay lixda Qof isticmaaleen, balse waxay ku tilmaameen Daroojo Derajada (A) ah.

Maandooriyeyaasha Derajada (A) loo yaqaano waxa ka mid ah.

Cocaine
Crack Cocaine
Ecstasy
Heroin
Lysergic Acid iyo kuwo kale oo badan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this