Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka Guddoomiyihii Hore Ee Gobolka Banaadir Oo Lagu Aasay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Meydka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana maayirkii magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay qarax ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir ayaa goor dhowayd lagu aasay magaalada Muqdisho.

1-3-3.jpg

Meydka Marxuum Yariisow oo lagu aasay qabuuro ku yaalla dugsiga tababarka booliska ee General Kaahiye ayaa waxaa salaada janaasada lagula tukaday barxad ku taalla garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho.

Aaska Marxuum Yariisow ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Kheyre, Guddoomiyaha golaha shacabka Mursal, guddoomiyaha aqalka sare Xaashi, ra’iisul wasaare ku xigeen Mahdi, wasiiro, xildhibaano, madaxda maamul goboleedyada qaarkood iyo wakiilo ka socday, safiiro iyo dadweyne tiro badan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this