Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii Hore Ee Qorshaynta Puntland Oo Ka Badbaaday Qarax Lala Eegtay Gaadhigiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Waxaa qarax nooca wadada la dhigo ah lala eegtay gaadhi uu watay wasiirkii hore ee qorshaynta Puntland Shire Xaaji Faarax oo hore mar usoo noqday Musharax Madaxweyne Puntland.

M1570094.jpg

Sida la xaqiijiyay hal askari oo ka mid ahaa ilaalada wasiirka ayaa ku dhaawacmay qaraxaan, waxaana ka badbaaday wasiirka oo isagu saarna gaadhiga. Ciidamada Amaanka ee Gobolka Bari ayaa wada badhitaano la xidhiidha dhacdadaan.

Qaraxaan ayaa ka dhacay wadada hor marta Hotelka Ramada ee Magaalada Boosaaso Xarunta Gobolka Bari.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this