Sign in to follow this  
Deeq A.

“Maanta Xukuumaddu Way Qaawan Tahay Anaguna Diyaar Uma Nihin Aan Asturno Ee Waa Sii Qaawinayna Ceebahooda Waa Sheegayna…” Xisbiga WADDANI Oo Dacwaynaya Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md Khadar Xuseen Cabdi ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Xisbiga waxa uu kaga jawaabay hadallo ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta Somaliland kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo laf jab ku ah Qaranka iyo wada jirka umadda Somaliland.

Xoghaye Khadar waxa uu xoojiyay mawqifka Xisbiga WADDANI ee arrinta Caarre oo Khamiistii guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro tilmaamay in xukuumaddu wada hadal iyo wanaag ku dhammayso arrintaasi waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweynuhu dulqaadka u yaqaanno doqonimo

“Marka xisbigu arrin ka hadlo dhaqan baa abuurmay wasiirradeena qaarkood ay doonayaan in aanay ka hadal arrintaas ee ay dadka meelo kale ula kacaan oo ay xannuun iyaga haya iyo meelo ay xoqonayaan la taggaan. Wasiirka warfaafintu hore wuxuu u yidhi xisbiga WADDANI waa Soomaaliweyn, waxa aanu garanayn hadalka uu leeyahay macnaha uu leeyahay iyo saamaynta uu yeelanayo marka uu mushtamac dhan oo xisbiga Qaran ah oo 42% ay u codaysay hadalka leeyahay, marka uu hadalkaas leeyahay hadalkiisu wuu baxaya, luuqado kale ayaa lagu turjumaya, halkii Somaliland wada hadallada ka taagnayd wuu diciifinaya laakiin, in aanu garashada lahayn ayaa hadalkiisa ka muuqata,” ayuu yidhi Xoghaye Khadar.

Xoghayaha xisbiga WADDANI waxa uu intaasi raaciyay in shaqada wasiirka warfaafintu tahay mid fadhiid ah sidaas awgeedna aanay ahayn ba in uu arrimaha waaweyn ee xisbigu ka hadlayo ka jawaabo “Waxaynu ognahay wasiirka sidaa u hadlaya in shaqadiisii dayacan tahay taanu ka hadlaynana waa shaqadiisa siduu u hagaajin lahaa waxa uu maamula wasaarad ka dhaqaale badan saddex wasaaradood oo waliba kuwii muhiimka ahaaya haddana sida aad la socotaan Halleeya haddaad tagto idaacadda Radhyow Hargeysa ma dhegaysan kartid, Tv-gii Qaranka qaybtiisii guduhuna ma shaqayso, marka uu Telefishankii iyo idaacad meteli waayay in uu arrimaha waaweyn ee Qaranka madaxda xisbiyadu ka hadlaan uu mirqaan hadlo run ahaantii waxaan isleeyahay in ay dhaawac weyn u gaysanayso sumcaddii, wada jirkii iyo umadnimadii Somaliland anagu ta aanu ka hadlayno ee ku celcelinayna waa arrimahaas; haddii ay arrinta Caarre tahay waxaanu ka taaggan nahay waar wada hadal iyo xal iyo wanaag, xikmad iyo odaytinimo lagu dhammeeyo oo arrimaha lagu xalliyo, haddii uu wax ka duwan hayo dee ha badheedho oo ha sheego, ha badheedho oo yidhaahdo waanu dagaallamayna halka ay marka la xusho ee la tagto ha arkee laakiin, waxba yaanu ku meeraysan in uu ciidamada wax ka sheego,” ayuu yidhi Xoghayaha xisbiga WADDANI.

Xoghaye Khadar Xuseen Cabdi wuxuu sheegay in aanay xisbi ahaan la yooyootamin wasiirrada u hadla sida liidata ee meeqaamkeedu ka hooseeyo minqiyaaska laga filanayo wasiirrada iyo siyaasiyiinta dadku ku dayanayaan laakiin, hadalka shalay ahaa mid milgo la’aan ah “Tan shalay waa ninkii maydku ka dhacay ee yidhi ‘hadduu sii go’ay’ oo tii horeba tu ka daran ayuu wasiirku ka hadlay shalay waxaana ka makhraati ah shacbiga Somaliland oo muujiyay sida ay uga xumaadeen ee u diideen oo baraha bulshada iyo meel walba lagu faallaynayay. Dadka qaar baa damiirkoodu nool yahay oo wasiirro dawladda ka tirsan ayaa aniga ila soo hadlay si ay iigu sheegaan arrintaasi in ay ka xun yihiin uu wasiirka xukuumadda afkeeda ku hadlay ku hadlayay,” ayuu yidhi Mudane Khadar.

Waxa kale oo uu wasiirka uga digay in uu qabyaalad dhex galiyo Ciidanka Qaranka “ Waa in uu ogaado (Wasiirka warfaafintu) haddii uu ciidanka Qaranka sumad reer u sameeyo, sumado xisbi haddii ciidanka Qaranka loo sameeyo, haddii ciidanka Qaranka naxli, kala qaybin iyo kala tag lagu abuuro sida hadalka wasiirka ka muuqata askarta ciidanka ku jirta inta ay Cirro isku haybta yihiin in ay Cirro u shaqeeyaan buu u yaqaanna laakiin, sidaas maaha waa ciidan Qaran, Qaranka mushahar ka qaata, qarankooda u dhinta Qarankooda u dagaallama laakiin, in dhegahoodu waxaa afhayeenkii xukuumadda Somaliland ka maqlaan iyaga oo duruufta ay ku nool yihiin aan oganahay oo boqol dollar qaata oo aynu ognahay nolosha qoysaskoodu halka ay taaggan tahay in haddana la reereeyo oo maalin walba dadkii xukuumadda wasiirrada ka ahaa waxaa ciidamada u quudhaan waxaanu u aragna in ay tahay ayaan darro iyo arrin lafjab ku ah wada jirka Qaranka iyo wax walba oo wanaag ku astaysan,” ayuu yidhi Xoghaye Khadar.

Waxa kale oo uu sheegay in fursad kasta oo ceebaha xukuumadda ah xisbiga WADDANI aanu dayaci doonin, islamarkaana ay shaqada xukuumadda tahay daboolidda iyo difaacidda dhalliilaheeda “ Waxaan wasiirka u sheegaya in shaqadiisu tahay difaacidda dhalliilaha xukuumadda wuxuu se shalay ku baryootamay in aan ceebahooda la sheegin laakiin, maanta xukuumaddu way qaawan tahay anaguna diyaar uma nihin aan asturno ee waa sii qaawinayna ceebahooda waa sheegayna oo mar baanu sheegayna labaanu sheegayna saddex baanu sheegayna iyaga laga raba in ay ceebahaas asturan, iyaga laga raba in ay ceebaha xalliyaan, iyaga laga raba in ay xalliyaan mushkiladaha Bariga ee afar jirsatay, iyaga laga raba in ay daweeyeen dhaqaalaha, anaga shaqadayadu waa in aanu ceeb kasta iyo gef kasta oo ay sameeyaan aanu bulshada u soo bandhigno taana saacad kama habsaamayno haddii ay jecel yihiin iyo haddii ay neceb yihiin ba,” Sidaa ayuu yidhi xoghayaha WADDANI.

“Warqad ayaanu u qori doona golaha wakiillada aanu ugu sheegayno in ay u yeedhaan wasiirkaasi oo ay waydiiyaan in uu sharraxaad ka bixiyo sababta uu ciidanka Qaranka u reeraynayo, sababta uu askarta la yaqaanay ee waligood ciidanka ahaa ee Qaranka u dagaallamayay ugu sheegayo xisbi in uu caddaynteedii baarlamaanka hor keeno oo baarlamaanku waydiiyo oo baarlamaanku waajibkiisa ka guto,” ayuu yidhi Xoghaye Khadar, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this