Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsanaa Puntland oo ka badbaaday isku day dil

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay bartamaha M/ Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa lala eegtay gaari HELUX ah oo uu la socday wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta maamulka Puntland Shire Xaaji Faarax, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa xilliga uu dhacayey uu gaariga uu saarnaa wasiirka, balse uu ka badbaaday.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, kaas oo ka mid ahaa ilaalada wasiir Shire Xaaji Faarax oo ka tirsanaa xukuumaddii Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa, kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, islamarkaana baaritaano ay ka sameeyeen halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha amnigu ay ka bixiyeen qaraxaasi.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha gudaha magaalada Boosaaso ka dhacayey falal liddi ku ah nabad gelyada, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this