Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay degmada Yaaqshiid

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dabley ku hubeysnaa Bistoolado ayaa lagu soo warramayaa in maanta dil ay ka geyseen xaafadda suuq Bacaad degmada Yaaqshiid ee G/Banaadir.

Dilka ayaa la sheegay in loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada Milatariga Soomaaliya, sida uu Shabelle u xaqiijiyey qof goobjooge ah.

Sidoo kale goobjoogahan ayaa intaasi ku daray in ragga dilka geystay ay horay uga sii qaateen askarigaasi qoraygii uu sitay oo ahaa AK47.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa gaaray waxyar kadib goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-dilka.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this