Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shir xasaasi ah oo Soomaalida iyo Oromada uga furmay Jigjiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga (Caasimada Online) Shirweyne xasaasi ah oo u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa goor dhow ka fumay gudaha magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya.

Shirka oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda ugu sarreysa ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo Oromada, aqoonyahanno, siyaasiyiin, odayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada labada dhinac.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa nabadda, dhaqaalaha, iskaashiga iyo arrimo kale.

Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itooniya Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo shirka daah-furay ayaa ugu horreyn ka warbixiyay ahmiyada uu shirkani u leeyahay labada Shacab ee Soomaalida iyo Oromada, wuxuuna xusay inay muhiim tahay in la dhowro degaanaashaha iyo nabad ku wada noolaanshaha deegaanka.

Sidoo kale madaxwaynaha deegaanka Oromiya Shimelisa Abdisa oo madasha ka hadlay ayaa dhankiia sheegay inuu soo dhoweynayo isku soo dhawaanshaha labada dhinac, wuxuuna ugu baaqay labada shacab in ay yeeshaan iskaashi buuxa, iyada oo laga wada shaqeynayo nabadda iyo xasiloonida dalka.

Waa shirweynihii labaad oo ay yeelanayaan Soomaalida iyo Oromada oo bilhii la soo dhaafay isku laayey gudaha dalka Itoobiya.

Shi.jpg 2-1.jpg 3-1.jpg 4-1.jpg 5-1.jpg 6-1.jpg 7-1.jpg

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this