Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Wasiir ka tirsanaa PUNTLAND oo ka badbaaday qarax lala eegtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay laamiga weyn bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa lala eegtay gaari HELUX ah oo uu la socday wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta maamulka Puntland Shire Xaaji Faarax, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in xilliga uu dhacayey qaraxa uu gaariga la socday wasiirka, balse uu ka badbaaday.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, kaas oo ka mid ahaa ilaalada Shire Xaaji Faarax.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa, kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, islamarkaana baaritaano ay ka sameeyeen halkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay gudaha magaalada Boosaaso waxaa ka dhacayey falal liddi ku ah nabad gelyada, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this