Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Salaadda janaasada marxuum Eng Yariisow

Recommended Posts

Deeq A.   

waxaa goor dhow Salaada Janaasada lagula dukaday garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle maydka guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho marxuum Cabdirixmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Ra’iiusul wasaare Khayre iyo xubno ka tirsan Golayaasha dowladda ayaa ka qeyb-galay salaadda Janaasada marxuumka.

Marxuumka ayaa goor dhow lagu wadaa in lagu aaso Qabuuraha ku yaallaa xerada General Kaahiye ee magaalada Muqdidho sida ay sheegtay Wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA.

Allaha u naxariistee Inj Yariisow ayaa dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax lagula beegsaday xafiiskiisa Muqdisho, waxaana sidoo kale qaraxaas ku geeriyooday xubo badan oo ka tirsan agaasimayaasha maamulka gobolka Banaadir iyo shaqaale kale.

Geerida Duqii hore ee Muqdisho ayaa su’aalo badan la iska weydiinayaa iyadoo ehelladiisa ay ku doodayaan in marxuumka la dilay isla markaana qaab shirqool ahaan ah loo dilay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Salaadda janaasada marxuum Eng Yariisow appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this