Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo ku dhowaad 100 ERGO ah ku soo bandhigtay gobolka Hiiraan+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Xooggaga Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan ku soo bandhigay illaa 86 oday dhaqameed oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen ergadii soo xushay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Goobta lagu soo bandhigay odayaashan waxaa ku sugnaa Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade oo ah guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe, Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo Sheekh Abuu Cadnaan oo ah Guuddoomiyaha gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa shaacisay in odayaashaasi ay isugu jiraan 53 oday dhaqameed oo ka tegay HirShabelle iyo 33 ka imaatay deegaanada maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxa ay mas’uuliyiinta Al-Shabaab sheegeen in odayaashaasi ay aqbaleen baaqoodii, islamarkaana la cafiyey, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhowaan Al-Shabaab ayaa shaacisay in ay deegaanadooda iska soo diiwaan geliyeen illaa 159 oday oo ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka  Soomaaliya.

Bayaanka Al-Shabaab ee la xariira ergada ayaa soo baxay 15-kii bishii hore ee July, iyaga oo markaasi u qabtay odayaasha inay isku soo diiwaangeliyaan muddo 45 cisho ah, kadib markii ay ku eedeeyeen inay ku kaceen fal Gaalnimo ah.

12.jpg 1.jpg 2.jpg 3.jpg 4.jpg 5.jpg 6.jpg 7.jpg 8.jpg 9.jpg 10-1.jpg 11.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this