Deeq A. Posted August 4, 2019 Muqdisho (SMN) – Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho laga soo dajiyay Meydka Duqii Muqdisho Eng Yariisow kaas oo ku geeriyooday M/Dooxa ee dalka Qadar. Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho kus ugan Madax iyo dad wayne badan oo ka qaybgalaya Aaska Qaran ee loo samaynayo Duqii hore ee Magaalada Muqdisho. Meydka oo lagu soo daboolay calanka Soomaaliya ayaa waxaa soo dejiyay qaar ka mid ah ciidamada iyadoo goor dhow lagu tukan doono salaada janaasada. Dhowaan ayuu marxuumka u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee Xamar. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites