Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Meydka marxuum Injineer Yariisow oo laga soo dajiyey garoonka Aadan Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde laga soo dajiyey Meydka Marxuum Injineer C/raxamaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Diyaarad qiyaas ah oo  ka soo qaaday magaalada Doxa ee dalka Qatar ayaa keentay Meydka guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir.

Meydka oo lagu soo daboolay calanka Soomaaliya ayaa waxaa soo dejiyay qaar ka mid ah ciidamada iyadoo goor dhow lagu tukan doono salaada janaasada.

Allaha u naxarisitee Marxuumka ayaa waxaa Janaasadiiisa ka qeyb geli doono madaxda u sareysa dalka, sida Madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo madaxda kale ee dowladda.

Dhowaan ayuu marxuumka u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee Xamar.

received_2236856986432283.jpeg

dhigis.jpgs.jpg eeeeeeeeeeeee.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this