Sign in to follow this  
Deeq A.

Daily Nation: Farmaajo oo loolanka Axmed Madobe ku wajahaya xeelad cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray in madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu wajahayo dagaal iyo mucaarado xooggan oo kaga imaneysa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wargeyska ayaa sheegay in Farmajao ay ka go’an tahay in Axmed Madoobe uusan kusoo laaban hoggaanka Jubaland, balse uu adeegsanayo xeelad dagaal oo aan toos ahayn.

Sida warbixintan lagu sheegay, Farmaajo ayaa ka dhaadhiciyey xubnaha beeshiisa Mareexaan oo ah beel aad ugu xooggan Jubaland, inaysan isku sharxin xilka madaxweynaha Jubaland.

Farmaajo ayaa doonaya in beesha Ogaadeen ay ku dagaalanto xilkan, wuxuuna taageerayaa xubno kasoo jeeda beeshan oo ku jira dowladda federaalka.

Dadka siyaasadda fallanqeeya, ayaa tallaabada Farmaajo uu qaaday, ee ah in Ogaadeenka dhexdooda ay ku loolamaan Jubaland, ay wiiqday Axmed Madoobe.

Maxamed Xaashi oo ka mid ah odayaasha beesha Mareexaan ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay inuu wacad ku marayo inuu ka shaqeeyo sidii Axmed Madoobe loo ridi lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this