Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Ehellada Yariisow oo shaaciyey in dad ka ag dhowaa ay fuliyeen dilkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada allaha u naxariistee guddoomiyihii gobolka Banaadir Injineer Yariisow ayaa shaaca ka qaaday inay tuhmayaan in qaraxii lagu dilay marxuumka uu ahaa mid aysan ka dambeyn kooxda Al-Shabaab balse dad isaga ka ag dhowaa.

Nabaddoon Axmed Maxamed Muuse oo adeer u ahaa Yariisow ayaa shaaca ka qaaday in qaraxii lagu dilay Yariisow uu ahaa mid gobolka dhexdiisa laga abuuray oo aysan jirin wax ka yimid meel banaanka ah.

Nabaddoon Axmed Maxamed Muuse ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in qaraxa lagu dilay uu ahaa mid ay fuliyeen dad cadow ku ahaa Yariisow oo ku dhex-jiray maamulka gobolka Banaadir, weliba isaga aad ugu dhowaa..

“Igaarkayga wuxuu ku baxay si cadownimo ah, si uusan mudneyn, waxaan ka rabnaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo dhammaan dadka kale ee Soomaaliyeed in la helo dadkii ka dambeeyey dilka Yariisow” ayuu yiri nabaddoonka.

“Waxaan qabnaa in dadka dilay ay ku dhex jiraan maamulka gobolka Banaadir, waxaana qabnaa in la marsiiyo wixii uu maray Injineer Yariisow wax kasii darran. Waxaan rabnaa caddaalad inuu helo” ayuu yiri Axmed Maxamed Muuse.

“Yariisow ma ahayn nin Soomaaliya baahi uu yimid, wuxuu dalkiisa ugu soo laabtay inuu dadkiisa wax u qabto, balse waxaa abaal looga dhigay in la dilo oo weliba ay dilaan dadkii isaga aadka ugu dhowaa.”

Hoos ka daawo wareysi uu siiyey taleefishinka Dalsan ee Muqdisho

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this