Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 20 ruux oo ku dhintay weerar ka dhacay gobolka Texas ee dalka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhintay, 26 kalena waa ku dhaawacantay kadib markii nin hubaysan uu Sabtidii shalay rasaas ku furay goob laga dukaamaysto oo u dhow Walmart store oo ku taalla magaalada El Paso ee gobolka Texas ee waddanka Maraykanka.

Booliiska degmada El Paso ee gobolka Texas, ayaa warbaahinta Maraykanku ka soo xigatay in la qabtay ninka weerarka geystay oo da’diisa lagu sheegay 21-sano jir, islamarkaana baaritaan lagu hayo.

Sidoo kale Booliisku waxay sheegeen in ay aaminsan yihiin in qofka la qabtay keligiis uu ku lug-lahaa weerarka inkastoo sida ay sheegeen weli baaritaanku socdo.

Goobta laga dukaamaysto ee Walmart store, ayaa xilliga weerarku dhacay waxaa ka jiray mashquul xooggan, iyadoo ay halkaasi ay dad badani ka gadanayeen agabka iskuulada, maadaama ay ku soo beegantay wakhti dugsiyadu dib u furmeen.

Maamulka degmada El Paso ayaa dhankooda sheegay in dadka weli eheladooda ay ka maqan yihiin ay is dejiyaan waxaana la diyaariyay goob ay kala socdaan xogta hadba wixii ka soo kordha dhacdada.

PUNTLAND POST

The post In ka badan 20 ruux oo ku dhintay weerar ka dhacay gobolka Texas ee dalka Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this