Sign in to follow this  
Deeq A.

QM: 757 qof ayaa Somalia lagu dilay sanadkan, mana wada dilin Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Online) – Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa waxay warbixin kasoo saartay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan waxyeeladda shacabka loo geystay bilooyinkii lasoo dhaafay.

Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Badbaada u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa waxay tilmaamtay in intii u dhaxeysay 14 December 2018 iyo 4 May lagu dilay, guud ahaan Soomaaliya, 757 rayid ah.

Warbixinta ayaa intaasi ku dareysa in 72% shaqsiyaadkaasi ay ku baxeen weeraradda maleyshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab.

Sidda ku xusan qoromadda, 9% oo kamid ah xubnahaasi ayaa waxaa khaarijiyey ciidamadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sheegtay in 10% ay ku naf-waayeen gacan aanan la aqoonsan, oo ay ku jirto 6% oo ah duqeymo ay fuliyeen diyaarado aanan heybtooda la garan.

Soomaaliya, dal dhaca Geeska Afrika, oo kasoo kabanaya colaado sokeeye tan iyo burburkii 1991-dii, ayaa lagu sheegaa in uu kamid yahay wadamada ugu badan ee sanad kasta lagu laayo rayidka.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida oo ah khatarta ugu weyn ammaanka waddanka ayaa fulisa howlgalo isugu jira qaraxyo gaari iyo is-miidaamin si lamid ah weeraro toos ah iyo dilal qorsheysan.

Isha: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this