Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Saraakiisha DF ee xiran iyo xubnaha Shabaab oo hal qol lagu wadao hayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xabsiga dhexe ee Xamar waxaa ku xiran maxaabiista ugu badan ee loo haysto danbiyada la xiriira Argagixisada iyo dambiyada kale ayaa dhibaato xooggan oo dahsoon ay ka dhex jirtaa, iyadoo maxaabiista aan la kala soocin danbiyadooda.

Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa lagu wada xiraa cid kasta oo dowladda ay u aragto qatar amni iyo mid siyaasadeed, waxayna taasi keentay in maxaabiista kala duwan ay isku dhex milmaan.

Haddaba, baaris iyo dabagal ay Caasimada Online, sameysay ayey ku ogaatay in halis xoogan ay ka dhex jirto xabsiyadaasi, iyadoo saraakiisha dowladda iyo xubnaha Al-Shabaab ee lasoo qabto lagu dhex haayo hal qol.

Si aan ugu gun gaarno baaristaan ayaa xiriiro kala duwan iyo dabal aan sameynay ku ogaanay xaqiiqda, waxaana jira saraakiil ka tirsan DF iyo maxaabiista Al-Shabaab lagu dhex haayo ilaa hadda qol qura, taasoo keentay in xubnaha Shabaab ee xiran ay handadaad kula kacaan saraakiisha dowladda ee qolka kula xiran.

Falkaasi ayaa waxaa caddeyn u ah in Anthony Thomas oo ah nin u dhashay UK oo lagu qabtay bishii Janaayo garoonka diyaaraddaha Muqdisho xili lagu helay boorsooyinkiisa waxyaabaha qarxa, laguna eedeeyay inuu qalqal gelinayay amaanka garoonka xabsi la dhigay, kaasoo xabsiga ay ku weerareen xubno Daacish ka tirsan oo dhaawac ay u geysteen.

Nuur Ismaaciil Sheekh oo ka mid ah wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howlgala Muqdisho, balse hadda sababo amni ugu soo cararay ayaa Caasimada Online u sheegay in isaga naftiisa lagu dhex handaday xabsiga, isagoo sheegay in xubno ka tirsan Shabaab ay ku handadeen in hadii uu xabsiga ka baxo uusan shaacin karin magacyadooda, haddii uu sheegana waajibkiisa la marsiin doono.

Xubnahaasi ka tirsan Shabaab ayaa xabsiyada dhexdooda ku dhex haysta taleefanada halka dadka shcabka ahna aan loo ogoleyn, haddiii lagu arkana lagu ciqaabayo.

Arrintaan fajacisada ah lama oga in ay ka war qabaan saraakiisha ku shaqada leh iyo in kale, hase ahaatee, dadka shacabka aysan intooda badan ka war hayn, mooyee inta eheladooda waqtiyo kusoo dhex qaatay xabsiyadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this